Rooble oo ku dhawaaqaya Liiska Guddiyada Doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ku dhawaaqo liiska guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Madaxda Dowlada goboleedyada dalka ayaa gudbiyay liiska guddiyada doorashada iyo xalinta Khilaafaadka , waxaana maamulada qaar soo badaleen xubno horey cabasho looga keenay oo laga saaray liiska.

Sida aan wararka ku helnay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya waxaa ku diyaarsan liiska xubnaha guddiyada doorashada iyo xailinta khilaafaadka, waxaana wadatashiyo uu wado Rooble kadib la filayaa in la shaaciyo magacyada guddiyadan.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa khilaaf ka taagnaa xubnaha guddiga doorashada gaar ahaan heer federaal ku matalaya Gobolada Waqooyi, waxaana wararku sheegayeen in Villa Soomaaliya faragalin ku heysay magacaabiusta xubnahaasi.

Ra’isul Wasaare Rooble marka uu shaaciyo magacyada xubnaha guddiyada doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa la filayaa in guddiyadaasi hogaan doortaan kadibna si deg deg ah ugu howlgalaan fulinta shaqooyinka loo xil saaray.

Heshiiskii ay teendhada Afisiyooni ku gaareen Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa dhigayay in doorashada lagu qabto mudo labo bil gudaheed, hasa ahaatee waxaa hada gabo gabo mareysa mudo bil ah iyada oon shaqo bilaaban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -